Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyay geerida xildhibaan Mire

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ku dhintay shil gaadhi oo caawo ka dhacay laamiga u dhexeeya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyo degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.

Qoraal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo ku hadlaya afka gollayaasha dowladda uu si gaadha ugu tacsiyeynayo eheladii qaraabadii uu ka baxay marxuumka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa marxuumka ugu duceeyay in Ilaahay ka waraabiyo janna Fardowsa uuna deriskiisa ka yeelo suubbanihii Rasuulka SCW.

FB_IMG_1551293315789.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyay geerida xildhibaan Mire appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this