Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Goor-dhawayd Soo Gaadhay Somaliland Iyo Ujeedada Safarkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Wajaale)-Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa goor-dhawayd soo gaadhay magaalo xuduudeeda Wajaale.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa hadda waxana loo soo galbiyay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu caawa u hayo doono.

103186164_mustafcumar.jpg

Maalinta beri ah ayy Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ka qayb-galaya dhagax dhigga Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ” Berbera Corridor”, taasi oo la filayo in uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi dhagax dhigi doono.

Dhan kale waxa magaalada Hargeysa ku sugan wafti kale oo ka socda dawladda Imaaraadka Carabta kuwaas oo u yimid inay ka dhagax dhigga Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale ” Berbera Corridor”

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa waftigan ku soo dhaweeyay magaalada Wajaale.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Xamse Maxamed Iiman

Hamzeiiman123@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this