Sign in to follow this  
Deeq A.

Muj. Madaxweyne Muuse Biixi Oo Markhaati Furay by Xildhibaan Xuseen Ismail Yusuf

Recommended Posts

Deeq A.   

بسم الله الرحمن الرحيم
و الصلاة و السلام علي رسول الله و علي اله و صحبه و سلم و بعد:
اللهم ولي أمورنا خيارنا و لا تولي أمورنا شرارنا.
اللهم أجعل بلدنا هدا بلدا امنا مطمئنا رخاءا و سائر بلاد المسلمين أمين يا رب العالمين.
SOMALIALND HA NOOLAATO.
MUDANE MADAXWEYNE MUJAAHID MUSE OO MARAG FURAY.
“BULSHADA GALBEED WAA KA WACANTAHAY BULSHADA BARI” ISAGA OO KU SALEEYAY MARKHAATIGIISA ARRIMAHAN:
IN BULSHADA GALBEED KA DEGANTAHAY BULSHADA BARIGA
IN BULSHADA GALBEED KA AMNI BADAN TAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA
IN BULSHADA GALBEED KA ILBAXSANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA
IN BULSHADA GALBEED KA AQOON BADANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA
IN BULSHADA GALBEED KA JAAMICADA BADANTAHAY BULSHADA GOBOLADA BARIGA.
Khudbadaa madaxweynuhu waxay I xusuusisay laba dumar oo miidhiyaha dood isu faan ah isu mariyay:
Gabadha hore: ( OO KUILMIYE AHAAHN U FAANAYSAY) oo Gebilaybay ka hadlaysay oo ku faantay inay ka sarreeyaan bulshada bariga waxaanay martay intaa madaxweynuhu maanta maray oo :

Gabadha labaad: (OO WADDANI AHAAN U FAANAYSAY)
Ayaa Hargeisa ka jawaabtay oo ayana ku faantay in hadday dood tahay , iyo hadday dagaal tahay iyo dhaqan tahayba ay ka sarrayso Galbeed . mid waliba labada dumara taariikhbay ku salasay una cuskatay faankeeda.
KOL SE HADDII MADAXWYNIHII JSL GABADHII GALBEED U MARKHAATI FURAY WAA ARRIN KU CUSUB AF MADAXWEYNE.
GABAY IYO CAANAAN MUWAAADIN U SOO JEEDIYO XUKUUMADDISA:
Bulshada qaranka Somalilaand waa u xor u yihiin inay hadlaan marka ay toosinayaan dawladdii ay gacmahooda ku samaysteen.

Bulshadu waxay xaq u leeyihiin inay canaantaan oo toosiyaan marka ay u muuqato wadeeco
Makarfoonada xisbiyada qaranku iyo wergeysyaduba waa cudka bulshadu wax ku toosisaa.
Waxaa ugu muhimsan khudbadaha masaajidada ee kala qeexaya xaqa iyo baadilaka iyo cidhib-xumaanta ka dhalankarta CADAALAD DARRADA HOGAAMIYE SI BADHEEDHA UGU KACO.
Bulshaweynta ayaa ka sarraysa Xukuumaddii ay doorteen.
Waa in xukuumaddu ka waantowdaa inay qof muwaadin ah hadal ku xidho.

Bulshadu siday u dareentay markhaatigii madaxweynaha:
in Bulshada Galbeed ka wacantahay Bulshada Beri :
WAA HADALADII MAQYALKA MANA AHAYN HADAL MADAXWEYNE.
BULSHADA SOOMAAALILAND OO KOL KEEDA HOREBA ULA BOOCA ISUGU TUKUBAYSAY AYAA MADAXWEYNIHINA DHAN RAACAY: waxay la mid tahay maahmaahdii carbeed : زت الطينه بله “oo la mid ah dhooqadiibaad sii dhooqaysay”
Amniga qaranka sidee bulshadu u argtaa?
AMNIGA IYO DIFAACA QARANKU WAA MASUULIYADDA MUWAADINKA.WAXAA SE XUKUUMADDA KU WA JIB AH IN AMNIGU SARE U SOCDO. OO XALINTA JAABHADAHA UNKAMAAYA IYO WASIIRADAN MARKA LA ERYO XAMAR U SHAQODOONTA XAALKOODA LA SUGO.
Xidhiidhka caalamigu sidee bulshadu u aragtaa?
ALBAAB KELIYA OO INOO FURANI MA JIRO.
WAXAA KA FIICAN JSL OO GUDAHA ISKA ICTIRAAFTA OO WAX SOO SAARKEEDU SIDAN KA ROONAADO DHAQAALE AHAAN IYO SIYAASAD AHAANBA.
Heshiiskii UAE ee saldhiga iyo maamulka dekadda iyo kala hadalka madaxda qaranka side bulshadu u aragtaa?
WAA HESHIIS GOBLAMAY OON MUGDI KA BIXIN. MADAXWEYNAHA QARANKU WUXUU SHEEGAY IN SALDHIGA LA KIREEYAY HALKA WASIIRKA MAALIYADUNA SHEEGAY INAAN KIRO LAGA QAADIN SALDHIGA OO MADAAR IYO WADDO LA SAMEEYO HESHIISKU AHAA.
XUKUUMADDA MAXAA U DIIDAY:
INAY UAE WEDIISATO :

INAY KA AMAAHATO AMA KIRADA LOO QADDIMO LACAG KU FILAN IN BIYAHA 6DA GOBOL JSL EE BADDA GALA LA FADHIISIYO SI XOOLIHII MADHAY U SOO NOQDAAN.
INAY UAE BAANAN WADDANKA KA FURATAAN
IAY KA CAAWISO DIB U HABAYNTA BANKIGA DHEXE EE IYO
Komishanka doorashooyinka oo dhacaya 29.11.2019, doorashda golaha wakiilada oo u muddaysan 12.12.2019 iyo komishan cusub oo aan la magaacaabin sidee bulshadu u aragta.
WAXAY U JOOGAANBA MA JIRTO.
Wax soo saar laanata iyo sicir bararka aan circa ka soo degin sidee bulshadu u aragta.
WAA CUDUR AAN DAWADIISA XUKUUMADANI U JEEDIN.
Danaha baayacmushtari ee Somalailand iyo Ethiopia ka dhaxeeya siday bulshadu u aragtaa?
SABABTA UGU WEYN EE SICIR BARARKA ABUURAA WAA QAADKA IYO KHUDRADAHA AYNNU DOLLAR KAGA IIBSANNO ETOOBIYA INAGA OO AYANAAN WAXBA KA IIBIN ETOOBIYA. WAXA WAJAALE ETOOBIYA KAGA IINBSATO BIRKA INAGA WUXUU INAGU HAYAA DHITA UGU WEYN EE SABABTA SICIR BARARKA.
Maxa deyn lagu leeyahay qaranka? Ma deyn qarsoon baa jirta?
HADDAY QARSOONTAHAY IYO HADDAY QEEXANTAHAYBA
INAAN QARANKU DEYN LA’AYN AYAA CAD.
Sinaanta iyo caddaaladda dawladda manta somlailand ka talisa sidee bulshaddu u aragtaa?
SALUUGGII BULSHADU KA QABATAY SINAANTA IYO CADAALAD DARRADA MAANTA AYAY CADDAATAY IN DADKU INAAN BULSHADU SINNAYN MARKII UU YIDHI “ GALBEED IYO BARI WAA KALA WANAAGSANYIHIIN”

Mudane Madaxweyne Mujaahid Muse ma wuxuu u jihaaday uu kursiga qaranka ugu fadhiistay inuu markhaatigan Galbeed u furo oo uu fulinteedana ku hawlgalo.???
Madaxweynuhu miyuu ilaabay amarka eebe:
*و ادا قلتم فأعدلوا و لو كان دا قربي و بعهد الله أوفوا دالكم و صا كم به لعلكم تدكرون*
*و هو الدي جعلكم خلائف ألأرض و رفع بعضكم فوق بعض درجات ليبلوكم فيما اتاكم ان ربك سريع العقاب و انه لغفور الرحيم*
و بالله التوفيق
(Xil)Hussein Ismail Yusuf

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this