Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay safiirka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Djibouti ee Soomaaliya, Aadan Xasan Aden.

Khayre iyo Danjire Aadan ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka ah ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen Soomaaliya oo ay uga qayb qaateen dib-u-dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka.

Danjire Aadan ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Djibouti ay waajib ku tahay is garab taagga iyo taageerada shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Labada dawladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this