Deeq A. Posted February 27, 2019 Gedo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Gedo. Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Garinley iyo Fax-faxdhuun ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid markii Al-Shabaab ay weerartay kolanyo ay la socdeen ciidamada dalka Kenya. Al-Shabaab ayaa shaacisay in dulaankaasi ay ku dishay 3 kamid ah askarta Kenya, sida ay ku baahisay baraheeda Internet-ka. Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay taliska ciidamada Kenya ama xukuumada Nairobi oo ay uga jawaabeyso sheegashada Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites