Sign in to follow this  
Deeq A.

AlShabaab oo sheegtay in ay dishay Askar Kenyan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Gedo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Gedo.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Garinley iyo Fax-faxdhuun ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid markii Al-Shabaab ay weerartay kolanyo ay la socdeen ciidamada dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in dulaankaasi ay ku dishay 3 kamid ah askarta Kenya, sida ay ku baahisay baraheeda Internet-ka.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay taliska ciidamada Kenya ama xukuumada Nairobi oo ay uga jawaabeyso sheegashada Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this