Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Khayre kala hadlay Guddiga doorashooyinka Qaranka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Khayre ayaa Guddiga kala hadlay dedejinta dhamaystirka sharciga doorashooyinka iyo dib-u-eegista sharciga xisbiyada.

Xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinaka ayuu ugu horrayn Ra’iisul Wasaaruhu ka dhagaystay waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshooyinkooda ku aadan hir-gelinta doorashooyinka 2020.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddiga u caddeeyay in dawladda ay ka go’antahay in ay kala shaqeeyaan waajibaadka ka saaran doorashooyinka dalka.

Halbeegyada ku jira tubta siyaasadda loo dhanyahay ee la doonayo in lagu guulaysto sannadkaan 2019 ayaa waxaa kamid ah samaynta sharciga doorashooyinka oo saldhig u noqonaya in shacabka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaaraan hoggaanka dalka.

D0bNQRIWwAQbB8b.jpg

D0bNQRMXgAQMmXp.jpg

D0bNQRZXgAI651J.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this