Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caddaaadda Puntland oo qaabilay madaxa UNSOM ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrinmaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland, Cawil Shiikh Xaamid Maxamed, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guy Griffin Madax ugu Saraysa UNSOM ee Puntland.

Kulanka wasiirka iyo madaxda UNSOM ayaa looga hadlay, arrrimaha ay kamid yihiin; taageeridda UNSOM ee wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta &Dhaqancelinta Puntland iyo xoojinta xiriirka UNSOM iyo wasaaradda.

Madaxda UNSOM ayaa kulanka ka ballan qaaday, in ay Puntland ka taageeri doonaan; xoojinta awoodda Police-ka,xabsiyada, arrimaha xuquuqul insaanka iyo caddaallada.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta, isagoo ka duulaya ballan-qaadkii madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa, taabba-gelinta nidaam Garsoor iyo caddaalad buuxda,waxaa ka go’an in uu ka shaqeeyo, xoojinta Garsoorka Cadaaladda, Arrimaha diinta iyo dhaqan celinta, kuwaasoo ah Shaqadda Wasaaradda(Mandate of the Ministry).

DHAMMAAD

DSCN2327.jpg?fit=1000%2C563&ssl=1 DSCN2314-2.jpg?fit=1000%2C563&ssl=1 DSCN2315.jpg?fit=1000%2C563&ssl=1 DSCN2322.jpg?fit=1000%2C563&ssl=1 DSCN2324.jpg?fit=1000%2C563&ssl=1

The post Wasiirka Caddaaadda Puntland oo qaabilay madaxa UNSOM ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this