Deeq A. Posted February 27, 2019 Wararka hadda soo gaaray Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegaya in goor dhoweyd uu shil gaadhi ku dhintay mudane ka tirsan Golaha wakiilada dowladda Puntland. Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo laga soo doorto gobolka Bari ayaa ku dhintay shil uu ku galay inta u dhexaysa magaalada Boosaaso iyo degmada Waaciye ee gobolka Bari sida ay sheegeen goobjoogayal. Wararku waxay sheegayaan in Gaadhiga xildhibaanka uu dusha ka maray gaadhi xamuul ah oo u socday dhinaca magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Xildhibaan ka tirsan Puntland oo shil ku dhintay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites