Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo si kulul u beenisay war kasoo baxay dowladda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul u beenisay war ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ah in uu askar fara badan ku dilay duqeymo ka dhacay gobolka Hiiraan.

AFRICOM ayaa isniintii sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayna ku dileen 35 ka mid ah maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lala helay koox mintidiin ah oo Shabaab ka tirsan xilli ay isaga gudbiyeen laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in sheegashooyinka Mareykanka ay yihiin kuwa la doonayo “In Mareykanka uu ku duugo duqeymaha uu ku hayo dadka Soomaaliyeed”

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta Shabaab ayaa wax lagu maadeysto ku tilmaamay sheegashooyinka Mareykanka ee ku aadan duqeymaha Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeymaha Hiiraan aanan wax khasaare ah lagu gaarsiin ciidankeeda marka laga reebo duqeyntii dambe oo lagu beegsaday gaari booyad ah oo ay leeyihiin ciidamada Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay kooxda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this