Deeq A. Posted February 27, 2019 Doha (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab soo dhoweyn ah ka bixisay warbixintii kasoo baxday hay’adda hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee sheegtay in dhaqaalah Soomaaliya uu kobac fiican ka muuqdo saadaasha 2019-ka. Warbixinta IMF ay soo saartay Hay’adda waxaa ay ku sheegtay in dakhliga gudaha Soomaaliya uu kordhay islamarkaana sanadkan 2019 la filayo in uu gaaro 3.5%. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia, Cabdinuur Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku yiri “Dowladdan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo waxay ballan-qaaday inay is-beddel wanaagsan ku sameyso dhaqaalaha Soomaaliya. Maanta IMF waxay xaqiijiysay in dadaalladeena ay hogaamiyeen kobac la saadaalinayo inuu yahay 3.5% oo dhaqaalaha dalka uu sameynayo” IMF, waxaa ay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2018, uu kororka dhaqaalaha ahaa 3.1% marka loo eego sanadkanna ay muuqato rajo wanaagsan. Warbixinta IMF,waxaa ay intaas ku dartay in sanadkii 2018 dakhliga gudaha dalka ka soo xarooday uu gaaray $161 Milyan oo doollar, taas oo ka dhigay 31% sare u kaca dakhliga gudaha marka la bar bar dhigo sanadkii ka horreeyay ee 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites