Sign in to follow this  
Deeq A.

IMF oo bogaadisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa saadaalisay in kobaca dhaqaalaaha Soomaaliya sanadkani 2019 uu sameyn doono sare u kaca, marka lala barbardhigo sanadkii hore ee 2018-kii.

IMF ayaa sheegtay in haatan Soomaaliya ay sameyneyso soo kabasho dhanka dhaqaalaha ah, islamarkaana waxa ay tilmaamtay in sanadkani 3.5% uu sare u kici doono marka la eego odoroskoodii sanadkii tagay oo ahaa 3.1%.

Sidokale hay’adda IMF ayaa shaaca ka qaaday in sanadkii hore uu soo galay dowladda  Soomaaliya daqliga gudaha oo gaarayay 161 milyan oo dollar Mareykanka ah, taas oo noqoneyso in 31% uu sare uga kacay daqligii gudaha ee 2017-kii

Hadalkan ayaa imaanaya, xilli DFS ay dadaal xoogan ugu jirto sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this