Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo cambaareysay dilkii Caasho Ilyaas Aadan

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Warsaxaafadeed ay soo saartay ha’yadda QM u qaabilsan arrimaha dadweynaha ee UNFPA ayaa si kulul loogu cambaareeyay dilkii iyo kusfsigii loogu geystay gobolka Mudug Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Ha’yadda ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay falkaasi, waxa ayna dalbatay in si degdeg ah cadaalada loo horkeeno dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu xusay in dilka iyo xad gudubka lagula kacay Caasho uu tusaale u yahay dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha da’da yar ee qaaradda Africa.

Ugu dambeyn UNFPA ayaa laamaha ammaanka ee Galmudug iyo Puntland ugu baaqday in ay sameeyaan baaritaano ku aadan dilkaasi arxan darada ahaa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this