Deeq A. Posted February 27, 2019 Baladweyne (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in ku dhawaad 40 gaadiid xamuul ah ay ku xayiran yihiin duleedka M/Baladweyne. Cibaar Cismaan Nuunow oo ka mid ah darawallada gaadiidleydaasi oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay arrintaasi. Waxaana uu sheegay in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinkan ciidamo ka gadooday HirShabelle oo dul dhigay lacago aysan bixin karin, sida uu hadlaka u dhigay. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hiiraan oo ku aadan gaadiidkaasi oo muddo shan maalin ah ku xaniban gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-c-qani-2.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites