Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Cosoble: Gobolka Banaadir sidan masii ahaan karo isaga oo biilaya DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Firenze (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ah guddoomiyaha xisbiga Ileys ayaa ka hadlay maqaamka gobolka Banaadir iyo muhiimadda ay leedahay inuu yeesho maamul ay dadka soo doortaan.

Cosobole oo la hadlay jaaliyadda gobolka Banaadir ee magaalada Firenze ee dalka Talyaaniga, ayaa sheegay inaysan sii socon karin xaaladda gobolka Banaadir uu iminka ku sugan yahay.

Waxa uu sheegay in gobolkan uuu yahay kan kaliya ee biila ee ay dowladda federaalka ku tiirsan tahay, haddana aysan xaq ahayn inuusan qeyb ka ahayn nidaamka federaalka.

“Lacagta aad aragteen ee ka badan 300 milyan ee ah miisaaniyadda dowladda, waxaa badankeed bixinaya dadka ku nool Muqdisho, dowladda oo dhan ayaa ku tiirsan gobolkan, haddana wax maamul ah ma lahan” ayuu yiri Cosoble.

“Waxaa gobolka ay bishii dowladda ka heshaa lacag ka badan 17 milyan oo dollar, haddana waxba lacagtaas loogu qabto dadka degan. Iskuullo looma dhiso, isbitaalo looma dhiso, waddooyinka looma dhiso” ayuu yiri

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in gobolka yeesho maamul ay dadka soo doortaan oo heer degmo illaa heer gobol ah.

“Ma rabno in mar walba gobolka loo keeno maamul loo soo magacaabo” ayuu yiri.

Cosobole ayaa sheegay inay jirto cabsi ay madaxda dowladda federaalka ka qabaan in haddii gobolka loo dhiso maamul ay dadka soo doortaan ay taasi wiiqi doonto awooddooda, taasina aysan sax ahayn.

Hoos ka daawo Cosoble

Caasimada Online
Xafiiska Roma
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this