Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo ka hadlay duqeymo ka dhacay Hiiraan iyo Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa war ka soo saartay duqeymo diyaaradeed oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose.

Ugu horreyn Al Shabaab ayaa beeniyay in dagaalyahanno ka tirsanaa looga dilay duqeymahaasi.

Al Shabaab ayaa baahiyay in wax khasaare ah aysan ka soo gaarin weeraradan, marka laga reebo duqeyn lala beegsaday gaari Booyad ah oo uu ku dhintay darawalkii waday.

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa horay guulo uga sheegtay duqeymahani oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this