Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: A/Madoobe oo bilaabay inuu ka shaqeeyo dib ugu laabashada hogaanka Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland uu magacaabay guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland, kaasi oo aan wali la shaacin.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu xilkaasi u dhiibay ruux la aamisan yahay in ku adkaaneyso inuu dhex dhexaad ka dhaceyso, maadaama uu keensaday madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa Muuqata in durba uu bilaabay Axmed Madoobe inuu abaabulo sidii markale uu xilka Jubbaland markii seddexaad dib ugu soo laaban lahaa, isaga oo keenay guddoomiye isaga taageersan.

Sidoo kale wuxuu bilaabay inuu cadaadiyo musharixiinta ku sugan magaalada Kismaayo oo la rumeysan inuu Axmed Madoobe awood ku heysto marka la eego dhanka ciidamada iyo fulinta amarada uu soo saaro.

Axmed Madoobe ma wanaagsana xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya waxaana jira howlo badan oo qabyo u ah, taasi oo caqabad ku noqon doonto sii socoshada howlahaa haddii aanan markale lasoo dooran.

Wuxuu taageero ka heystaa dowladda Kenya oo la rumeysan yahay inay ku ilaashato danaha ay ka leedahay deegaanada Jubbaland, waxaana la sheegaa in khilaafkii dhawaan soo if baxay ee Kenya iyo Somalia in isaga madaxii uu ku yimid.

Waa Madaxweynaha ugu waqtiga dheer madaxda maamul goboleedyada wuxuuna xilkaasi hayaa tan iyo sanadkii 2013.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this