Sign in to follow this  
Deeq A.

Pakistan oo diyaarado dagaal kasoo ridday India iyo dagaal Nukliyeer oo laga cabsi qabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Islamabad (Caasimada Online) – Pakistan ayaa sheegtay in ciidamadadeed ay maanta soo rideen laba diyaarad dagaal oo India ay leedahay, kuwaas oo soo galay xuduudeeda dhulka lagu muransan yahay ee Kashmir.

Major General Asif Ghafoor oo ka tirsan ciidamada Pakistan ayaa sheegay in sidoo kale la qabtay mid ka mid ah duuliyayaashii diyaradaha kadib markii diyaaraddiisa ay kusoo dhacday qeybta Pakistan ay maamusho ee Kashmir.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay India oo ku saabsan sheegashada Pakistan inkasta oo warbaahinta India ay ilo-wareedyo militari kasoo xigteen in wax duuliye ah uusan ka maqneyn India.

Hadalka kasoo baxa Pakistan ayaa imanaya ayada oo India ay sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay ka hor-tageen saddex diyaarad oo Pakistan ay leedahay oo kusoo xadgudbay xuduudeeda Kashmir, dibna ay u celiyeen.

Dhacdadan ayaa timid saacado kadib markii Pakistan ay sheegtay in afar qof lagu dilay hoobiyeyaal ay ciidamada India kusoo tureen xadka milatari ee labada dhinac.

India ayaa talaadadii sheegtay inay duqeysay xiro ay kooxda mintidiinta Kashmir ee Jaish-e-Mohammad ay ku leedahay gudaha dalka Pakistan.

Kooxdan ayaa dhowaan sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin baabuur ahaa oo laba toddobaad ka hor lala beegsaday ciidamada sida milatariga u tababaran ee qeybta Kashmir ee India, kaasi oo lagu dilay 40 askari.

Dhacdooyinkan ayaa dagaal qarka u saaraya labada dal ee Nuclear-ka ku hubeysan ee India iyo Pakistan.

VOA

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this