Sign in to follow this  
Deeq A.

Buhari Oo Mar Kale Ku Guulaystay Madaxweynenimada Nigeria

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nigeria)-Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ku guuleystay doorashadi Sabtidi ka dhacday dalkaasi, isaga oo Nigeria maamuli doono afarta sano ee soo socota.

AF933E91-93E9-473D-860A-2A1B9A95D46E_w10

Kaddib marki lasoo gaba gabeeyay Talaadadi tirinta codadka marka laga reebo hal gobol, ayay guddiga doorashada sheegeen in Mohammadu Buhari uu aad ugu horreeyo ninka la tartamayay oo ah madaxweyne ku xigeenki hore ee dalkaasi Atiku Abubakar.

Buhari ayaa lagu waday inuu taageerayaasha la hadlo, hase yeeshee hadal uu ku qoray barta twitterka ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay shaqada uu qabtay.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka People’s Democratic Party ayaa ka dalbaday guddiga doorashada inuu hakiyo tirinta codadka, isaga oo ku andacooday in mashiinada la marsiiyo kaararka codadka la baddalay.

Xisbiga mucaaradka wali kama aysan hadlin natiijada doorashada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this