Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland Oo Xalay Lagu Dilay Gudaha Magaaladda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Askari ka tirsanaa Ciidamada maamul gobolleedka Puntland ku dilay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

boosaaso-750x430.jpeg

Dad deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay badhtamaha Boosaaso gaar ahaan halka loo yaqaano Gaaca, isla markaana kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ay toogteen Askariga xili halkaas uu ku sugnaa.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Askariga la dilay lagu magacaabi jiray Shucayb Cismaan Caluula,waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay falkaasi oo la sheegay in ay wateen Mooto laba lugaaleey ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this