Deeq A. Posted February 27, 2019 Xikmada+Kaftanka maanta oo Xiiso & Caraabo leh Cabdilaahi iyo jaamacii cawdu ma u duushay , Ma cadaanibaa meel cid la ah keligii caatoobay , Cali gurey miyaan lagguba darin , golihii ceegaagay , Cabdi Cali miyaa yaaban iyo culimadii raacdey , Ma geelii Jamaal soo culaa , caano lagga waayey , Ina samatar saw yurub carceer cidhif ma waydaaran , Cagategey miyaan kaysar iyo cararin koox raacday , Cabdi dheere saw bariitantii caawa kuma laaban , Saw cali mareexaan kubkiyo bawdo kama ciirin , Cukusiyo xagee bay qabteen cududihii muuqday ? Inta carartay intii caymadiyo hebelo caatoobay , in cadhootay intii cabatay iyo qaar afkuba ciiley , inta caymadaa ugu darayd camal daraadiiye , Kuwo xamar qabtiyo saw xagaa kooxi uma ciirin , Axmed kayse saw qaar carjabay caasha kuma qaadan . Cilmi buu aduunyadda baraa , caana waligiiye , Casharadiisu waa wada xidhiid caynsanoo dhigane , Iskeersaa cilmiga kuugu filan cugashadiisiiye , Nin cibaaradiisii ogaa caarif wuu yahaye , nin kastoo kulmiye caashaqaa cabasho dayn waaye , Ma col soo hungoobiyo kunbaa ciida hoganaaya . Qaran News Share this post Link to post Share on other sites