Deeq A. Posted February 27, 2019 Gaadiid xamuul ah oo aad u badan ayaa lagu soo waramayaa in xilligan ay ku xayiran yihiin inta u dhaxeysa B/weyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan. Darawallada gaadiidkan oo la hadlay warbaahinta waxa ay sheegeen in maamulka gobolka Hiiraan uu kusoo rogay lacag badan, iyaguna aanay awoodin bixinta lacagtaasi. Waxa ay sheegeen in waddooyinka burbursan aan loogu dhisin qarashaadkii horey looga qaaday, haatanna la saaray culeys aad u badan. Culeys weyn ayaa na saaran, lacagtaan ma ahan mid aan bixin karno, inaan safarkeenna sii wadanna waa uu inoo diiday maamulka gobolka Hiiraan Dhanka kale, maamulka gobolka Hiiraan weli kama aanu hadal arrintan, iyadoo mas’uuliyiintan arrintan qaabilsan ay ka gaabsadeen ka hadlista waxa jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites