Deeq A. Posted February 27, 2019 Baladweyne (SMN) – Ciidamada ammaanka maamulka HirShabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan ay ka dhaceen xaafado ka tirsan magaaladaasi. Dhame c/nuur Carab oo ka mid ah saraakiisha Booliska Baladweyne ayaa Shabelle u xaqiijiyay in tiro dad ah lagu qabtay howlgalladaasi, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan ku soo badanayay falal liddi ku ah ammaanka sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites