Deeq A. Posted February 27, 2019 Baardheere (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareeyamo magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Xiisada oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in u dhexeyso ciidamo kala taabsan guddoomiyaha degmadaasi iyo ku xigeenkiisa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadu ay salka ku heyso arrimo la xariira maamulka magaaladaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi, inkastoo Odayaasho Dhaqanku ay wadaan dadaallo loo hortago colaadaasi. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhaqan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites