Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo amaro kusoo rogay Musharixiinta kusugan meelaha ka baxsan Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa durba bilaabay cadaadiska uu ku hayo musharixiinta kula tartameysa xilka madaxweynaha Maamulka Jubbaland doorashada soo socota.

Kadib markii kulan uu isugu yeeray guddiga amniga Jubbaland ee isaga uu ugu sareeyo ayay soo saareen amaro la xiriira musharixiinta dooneysa inay tagaan deegaanada Jubbaland kuwaasi oo ku sugan meelaha ka baxsan Jubbaland.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii uu tagay magaalada Kismaayo C/Naadir Seeraar afhayeenkii Jubbaland oo Kismaayo kaga dhawaaqay inuu yahay musharax iyadoo ciidamo badan ay garab taagan yihiin, taasi oo macno kale sameysay.

Guddiga Amniga Jubbaland ayaa sheega in iyaga oo eegaya amaanka inay soo saareen warqad digniin ah oo ku wajahan musharixiinta dooneysa inay tagaan magaalada Kismaayo, waxaana ugu horeyn loogu baaqay inay sii wargeliyaan laamaha amaanka.

Aqriso warka kasoo baxay Jubbaland

53040374_2062579050464282_37865263187204

 

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this