Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilalka qorsheysan oo Muqdisho ku badanaya (Halkey wax ka qaldan yihiin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dilalka qorsheysan oo ay fulinayaan Al Shabaab ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaan la shaaciyay in ciidamo badan tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ku dilay ku dhawaad 10 ruux oo badankood ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada Nabad sugidda ee dhar cadka loo yaqaan.

Degmada Xamarweyne gaar ahaan Afar Irdoodka oo ah goob aad u mashquul badan ayaa waxaa lagu dilay mid kamid ah odayaasha ku ganacsan jiray goobta, kaasi oo iibinayay Huudheyda, waxaana kooxda dilka geysatay la sheegay inay baxsadeen iyada oo aan la qaban.

Waxaa la isweydiinayaa Suuqa oo ciidamada ugu badan ay ku sugan yihiin mararka qaar, islamarkaana ay ku dhow yihiin goobo ciidamada ay fariistaan oo gaadiidka ay ku baaraan sida ay ugu dhex baxsadeen dadka falka dilka geystay oo goobjoogayaasha ay ku sheegeen inuu ahaa ruux dhalinyaro ah oo da’ ahaan yaraa.

Dhawaan ciidamadii ugu badnaa oo loo qorsheeyay inay xaqiijiyaan amaanka magaalada Muqdisho ayaa tababar loogu soo xiray Muqdisho, waxaana ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha dalka, waxaa la isweydiinayaa Halkee la geeyay ciidamadaasi.

Dhamaan ciidamada ayaa oo qeybiyay degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, waxaana la geeyay degmooyinka hadda dilalka ugu badan ay ka dhacayaan.

Xalay ayaa weerar lagu qaaday ciidamo ku sugnaa agagaarka Masaajidka Xaaji Yabarow ee degmada Boondheere, waxaana la sheegay inay aheyd Bam gacmeed lagu weeraray ciidamada.

Dadka falanqeeya siyaasadda amaanka dowladda ayaa sheegaya inuu yar yahay isla xisaabtanka laamaha amaanka, iyadoo ugu dambeyn lasii daayo dadka  loo xiro kiisaska dhanka amaanka.

Sidoo kale waxaa saraakiisha ku taqasusay amaanka ay sheegayaan lo istiraatiijiyad xumo ay ka dhex jirto laamaha amaanka, taasi oo keeneysa in Al Shabaab ay dilaan ruuxii ay qorsheystaan.

Xubnaha la xiray ayaa AL Shabaab waxay ku sheegeen inay nabad sugida qeybta dhar cadka yihiin, waxaa la isweydiinayaa sidii loo heli waayay xogaha iyo dhagarta Al Shabaab ay maleegaan si lamid ah sida Al Shabaab ay u helaan xogaha ruuxa ay doonayaan halka uu joogo iyo fursadda loo heysto inay dilaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this