Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii hotelka Dusit D2 ee NAIROBI oo lugaha la galay agaasime BANKI

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Kiiska Dacwadda weerarkii DUSIT D2 ee Nairobi ka dhacay bartamihii Janaayo ee sanadkan oo Al Shabaab ka fuliyeen hotelka Dusit ayaa soo galay agaasimaha Bangiga Diamond Trust Bank (DTB).

Agaasimaha iyo Bangiga ayaa loo heystaa Kiis la xiriira in kooxda weerarka fulisay ay lacago isku dhaafsadeen Bangiga waxaana dacwadda kusoo oogay dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuraddiin Xaaji.

Nuuridiin Xaaji oo la kulmay guddiga cadaalada ee baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in agaasimaha loo heysto sababta aysan usoo gudbin dhaqaalaha tirada badan ee kooxda weerarka fulisay u dirsadeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dacwad oogaha ayaa sidoo kale Bangiga ku eedeeyay in ciidanka amaanka aysan ka helin Kaamirooyinka sida qarsoodiga ah wax u dooba si loo ogaado dadka lacagta ka bixiyay Bangiga.

Waxaa uu difaacay go’aanka Bangiga dhexe uu ku soo rogay Bangiyada kale oo sheegaya in wax ka badan Hal Milyan oo shilinka Kenya ah aan mar qura laga bixin karin Bangiga.

Weerarka ka dhacay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ayaa sababay dhimashada 21 ruux oo Somali iyo ajaaniib kale ay ku jiraan sida dowladda Kenya ay sheegtay balse Al Shabaab ayaa sheegay in ku dhawaad 47 ruux ay ku dileen weerarka.

Baaritaanka kiiska weerarkaasi ayaa soo galay Soomaali badan waxaana loo xiray dad badan oo hadda baaritaano ay ku socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this