Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey in uu duqeyn ku dilay 20 AlShabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliska Maryekanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in duqeyn cusub ay 25-kii bishaan ka geysteen gobolka Hiiraan.

Weerarka cirka ah oo ka dhacay tuulada Shabeelley ayaa la sheegay in lala beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku tababari jirtay dagaalyahano.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka AFRICOM, 20 ka tirsanaa Shabaab ayaa howlgalkaasi lagu dilay.

AFRICOM ayaa ku adkeysatay in howlgalkaasi ay fuliyeen uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah.

Illaa iyo haatan Ma jirto jawaab ay Al-Shabaab ka bixisay sheegashada dowladda Mareykanka.

Maalmihii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaadey duqeymaha uu Al-Shabaab kula beegsanayo Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this