Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba weerar oo dhimasho badan oo caawa ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlinbe) – Kooxo hubeysan ayaa caawa waxay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Weerarka oo loo adeegsaday Bam gacmeed lagu tuuray Fariisin Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Afaafka hore ee Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere, ayaa dhaliyey Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay u sheegeen in weerarka uu ku dhintay darawal Mooto Bajaajle ahaa oo xiliga falka uu dhacayay goobta marayay, halka laba qof oo kalena oo shacab ahaa ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa weerarka kadib furay rasaas xoogan,  iyadoona durbo goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen ragii  ka dambeeyay falkaasi .

Dhinaca kale, Inta la xaqiijiyay Saddex Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  ayaa ku dhintay Qarax lagula eegtay degaanka KM13 ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka Saddex Askari ee dhimatay mid ka mid ah ayaa ahaa Sarkaal ka tirsan ka Ciidanka xoogga.

Ciidankaan ayaa gaari ay saarnaayeen waxaa halaleey Miino dhulka lagu Aasay xilli ay  ku soo jeedeen Magaalada Muqdisho.

Waxaa Qaraxa sidoo kale ku dhintay Wiil arday ahaa oo ka yimid iskuulka lana kulmay Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this