Deeq A. Posted February 26, 2019 Muqdisho (Caasimada Onlinbe) – Kooxo hubeysan ayaa caawa waxay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Weerarka oo loo adeegsaday Bam gacmeed lagu tuuray Fariisin Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Afaafka hore ee Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere, ayaa dhaliyey Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay u sheegeen in weerarka uu ku dhintay darawal Mooto Bajaajle ahaa oo xiliga falka uu dhacayay goobta marayay, halka laba qof oo kalena oo shacab ahaa ay ku dhaawacmeen. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa weerarka kadib furay rasaas xoogan, iyadoona durbo goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen ragii ka dambeeyay falkaasi . Dhinaca kale, Inta la xaqiijiyay Saddex Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhintay Qarax lagula eegtay degaanka KM13 ee duleedka Magaalada Muqdisho. Sidda ay sheegeen dadka degaanka Saddex Askari ee dhimatay mid ka mid ah ayaa ahaa Sarkaal ka tirsan ka Ciidanka xoogga. Ciidankaan ayaa gaari ay saarnaayeen waxaa halaleey Miino dhulka lagu Aasay xilli ay ku soo jeedeen Magaalada Muqdisho. Waxaa Qaraxa sidoo kale ku dhintay Wiil arday ahaa oo ka yimid iskuulka lana kulmay Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites