Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Ka Kacay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dab goor-dhawaydka ka kacay xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland, ayaa sababay inuu shuf beelo xafiiskii waaxda is gaadhsiinta ee wasaaradaas, sida waxa sheegay taliyaha ciidanka dab-demiska qaranka sareeye guuto Axmed Maxamed Sawaaxili, hawl-kii ay dabkaas ku bakhtiinayeen ka dib u waramaayay telefishanka qaranka.

Taliyuhu wuxuu sheegay shufbeelida xafiisyadaas ay keentay goobtaas oo xidhnayd.

Taliyuhu waxa uu intaas ku daray in qiiqii goobtaas ka baxaayay ay keentay ay adkaato in gudaha loo galo dhismaha.
Sareeye guuto Maxamed Axmed Sawaaxil, waxa uu sheegay in ciidanka dab-demisku ku guulaysteen xakamaynta dabkaas, si aanu ugu sii fidin qaybaha kale ee wasaaradda.

Xaruntan ka tirsan wasaaradda warfaafinta ee gubatay ayaa dhawaan xadhiga laga jaray, iyadoo loogu talo-galay in lagula socdo warbaahintu waxay ka faafiso Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this