Sign in to follow this  
Deeq A.

Goblan Talo Aduunyoow, Maxaad Gelinba Waa-Joogtay, Qormadii 3aad,

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanadkii 1978 dii ayaa Kornayl Abdilahi Yusuf u talaabay dhinaca Ethopia kadib markii uu dhicisoobay Inqilaabkii Isla sanadkaas ay isku dayeen isaga iyo Korneyl Cirro oo ay isku beel ahaayeen, iyo saraakiil kale oo wehelisay oo rabay inay inqilaab talada dalka kagala wareegaan General Barre, waxaana fashilka afgembigaas kadib la toogtay Korneyl Cirro iyo lix iyo toban qof oo kale oo isku-daygaas Afgembi loo tirinayay, halka Korneylkuna u cararay dhinaca Ethopia oo uu kaga dhawaaqay jabhadii ugu horaysay ee halgan hubaysan kala hortagta Dawladii uu hogaamiyaha ka ahaa Generaal Siyaad Barre, saldhigii jabhadani wuxuu noqday Gudaha Ethopia, iyagoo

26F08533-BD86-48B4-A912-DCFB63A5F639.png

saanad, sahay iyo tababaraba ka helay Dawladdii Ethopia ka talinaysay xiligaas, oo uu Hogaamiye ka ahaa Korneyl Mingiste Haile Mariam, oo hogaanka General Barre ugu ciilqabay dagaalkii 77 ay Soomaalidu ku qaaday dawladii uu hogaaminayay Korneyl Mingiste oo xiligaas cusbayd, hogaankana haysay labo sanadood oo qudha markii gulufka colaadeed qabsaday.

Sida ay markii danbe kuwada andoocanayeen jabhadii gadaashood asaasmay ee SNM, USC, iyo SPM, jabhadan SSDF ee uu hogaamiyaha ka ahaa Korneyl Abdilaahi Yusuf, waxaa saldhig u ahaa dooda halgankooda inay rabaan inay Soomaaliya ka xoreeyaan eexda, qaraabiilka, caddaalad darradda iyo musuqmaasuqa uu dalka ku xukumayay keligii taliye Siyaad Barre, ciidamo beeleedyo ayaa kornaylku ka ururiyay deegaamadii uu kazoo jeeday si xoog ciidan oo jabhadda cusub u dagaalama looga dhigto, halka ay waxoogaa saraakiil iyo ciidamo ah oo beesha kornaylka kazoo jeeday ay iyaguna ka goosteen ciidamadii Soomaliya, xoojin ahaana ugu biireen jabhadii kornayl Abdilahi Yusuf ka aasaasay gudaha Ethopia, kuwaasoo weeraro u badnaa ku-dhufo-oo- ka dhaqaaq ku eekaysiiyay Ciidamadii Daacadda u ahaa General Barre ee goboladda dhexe ku sugnaa. Nasiib Darrose, jawaabta ay weeraradaas ka bixiyeen Generaal Barre iyo ciidamadiisii daacadda u ahaa may noqon mid lagu abaaro unugyadii jabhadeed ee weerarka ahaa oo keli ahe, ee waxay noqotay in cagta la mariyo dad iyo duunyaba ciddii loo arkayay inay taageero muuqata iyo mid qarsoonba u hayso jabahadda SSDF,tanina waxay keentay Geerida, dhaawaca, Kufsiga, Barakaca iyo dhaca kumanaan qoys oo shacab Soomaali ah oo aan waxba galabsan, kuwaasoo dhiigoodii lagu xalaashaday magaca qarankii difaaci lahaa sharaftooda, maalkooda, iyo naaftoodaba.
Dhibaatadda iyo daranyadda dadkaas shacabka ku dhacaysayna waxaa xanuunkeeda la ilmeynayay ciddii ay ku dhacaysay oo qudha, mana jirin Goboladii kale ee Soomaaliya meel looga ooyay, ama looga mudaharaaday sababtay doontaba ha noqotee, nin aanan magaciisa hadda haynin oo abwaan reer Mudug kazoo jeeday ahaa ayaa ku calaacalay Maanso ay tixdani dhextaal u ahayd: MUQDISHA IYO HARGEYSAAY SUN BAAD MALAFSANAYSAANE, ANNANA NALA MADHI IDINNA WAAD SII MAR-FURATEENE, Abwaan Mahamed Ibraahim warsame (Haadraawi) oo isna tacadiga mudug ku dhacayay dareenkiisa ku cabirayay ayaa ka tiriyay Maanso uu tuducani ka mid yahay: HUBKA MUDUG KU TALAX TEGAY, ALLEYLEHE HUBSIIMIYO HAKIS BUU U BAAHNAA, HAWSARYHAOW GURXAMAYAA, CAKU HALALACDAADEE WAXAAD KALA HUFAYSAA, KALA HAADINAYSAA MA HILBAHAYGIIBAA. la soco, qormadda 4 aad,

Qalinkii: Hussein Mohamed Mohamoud (HUssein-laki)
Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this