Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaadhay Dalka Qatar Iyo Nuxurka Kulan Dhex-mari Doona Amiirka Dowladda Qadar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doxa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaadhay magaalada Dooxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

15511992089dd7c-1024x683.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Qatar, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Qatar iyo Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo bishan oo kaliya 10 maalmood oo ka mid ah ayuu dalka Soomaaliya ku sugnaa, halka inta kale uu safaro dibadda ugu maqnaa.

Waxaa uu muddo laba toddobaad ah u safray shan dal oo afar ka mid ah ay ku yaallaan Afrika, kuwaasoo kala ah; Itoobiya oo uu Shirkii Midowga Afrika kaga soo qeybgalay, Burundi, Jabuuti iyo Masar oo uu kula soo kulmay madaxweynayaashooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this