Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Farmaajo oo si wayn loogu soo dhaweeyay Qadar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Dooxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Dooxa, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Qatar iyo Diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Booqashadaan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ay kamid yihiin; Wasiirada Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Maryan Aweys Jaamac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this