Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqri: Shacabka oo jawaabo kulul ka bixiyey sawiradii carrada dhaliyey ee Beyle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay qorala sawirro watay uu soo dhigay bartiisa facebook.

Sawirka ayaa waxaa ka muuqda kalluumeysato kalluun aad u culus, halka Beyle uu dhinac taagan yahay, oo uu isku sawirayo, isaga aan dareemin culeeska iyo dhibka haysta.

Beyle ayaa ku yiri qoraalka “Sideen u gaajoon karnaa inagoo heysana kheyraadka noocaan oo kale ah? Waa in aan ka faa’iideysanaa nimcadaan dhulkeena dhex ceegaagta. kaluumeysigu waa qeyb ka mid ah wax soosaarka ugu muhiimsan dalkeena, una baahan maalgalin iyo horumarin. Bal qiyaas imisa faa’iido ah ayaan ka heli karnaa xabadaan #KALUUNKA ah.”

52987128_1512208035579788_16550827672532 52744625_2387930754559715_32915240707717 52979934_1512208008913124_44194050699343

Soomaali ka carrootay on Beyle isku sawiro dad sida culees intaas le’eg ayaa jawaabo kulul u diray waxaana ka mid ahaa:-

Moha Bashie: Nin culees wadaa mid dhergan igu sawir, war dhulka dhig dheh, markaas isku sawir

Samiir Osman: Mana iibsaneysid, haddii dadkan wax badan laga iibsadana canshuurta keena baad lasoo carareysaaa.

Suldaanka Muqdisho: Igu sawirta iska dhaf, inta suit soo xiratay, dadka culayska wada ee nolol maalmeedkooda raadinaya aad dhahayso wa isku kiin sawirayaa, ii jooga damir laawe.

Abdalla Mohamed Jeilani: Maskiinka culees aa saaran, adneh waa isku sawireesa. Igu sawirta xita qurxi oo dhinac malayga ka qabo qeyr Allaha ku siiye.

Liibaan Cartan Xuseen: War gaajo lahayne, qof muwaadin ah oo duruufaysan baad bacad joojinaysaa, si aad sawiro ula gasho, masuulku waa ninkii dareemi kara ee u damqan kara bulshadiisa, wasiir caqligu haku shaqeeyo

Abdirashiid Mohamed Hussein: Waxaa wax laga xumaado ah in qof intaa culees ah sida adigo ka damqaneen daruufta iyo culeeska uu sidaba aad isku sawirto.

Abdullahi Mohamoud Ali: Wallaahi waxaa ceeb ah adoo masuul ah, in xataa u quuri wayay in dhulka dhigo kadibna la galo sawir, laakiin ma ahayn aoso culeys sido in sawir lala galo.

Abdullahi Yusuf Mohamed: Kuluun miyaa, haa, igu sawir, waxaa kasii caqli xun kan kugu fiirsaday oo kugu sawiray qof maskiin ah oo culees dul saaran yahay.

Qays Hanad Togdheer: Tuuug bilaa damiir ah, masaakiin culays xamaalaysa ayuu bacaadka isku hor taagayaa, si uu isugu sawiro.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this