Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Laga Sugayaa In Ay Qabtaan Wasiirada Cusub Ee Ciyaaraha Maamul Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamul Goboleedyada Hirshabeele,Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa dhawaan yeeshay wasiiro cusub ee dhinaca ciyaaraha iyo dhalinyarada waxaana dhalinyarada deegaanadaas ay wasiiradan ka sugayaan horomaro iyo in ay u abuuraan tartamo kala duwan.

IMG_0918-300x200.jpg

22-Janaayo 2019- Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaana wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada loo magacaabay xidigii hore kooxda kubbadda kolayga L.L.P Jeenyo Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo),isagoo xlika wasaaradaas horay u soo qabtay sanadii 2017.

Bisha-Jaanyo-feature.00_03_23_21.Still00

“Shaqsigii ugu haboonaa ayaa loo magacaabay wasaarada ciyaaraha Hirsahbeele waa nin aqoon u leh isboortiga soo ciyaaray wuxuu fahmi karaa baahida ay qabaan dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha deegaanka”waxaa Barnaamijka Xeyndaabka isboortiga Goobjoog TV u sheegay Daa’uud Axmed Dheere oo ah madaxa horomarinta  isboortiga Gobolka Banaadir.

52602873_2168183790177692_64386866199134

02-Febraayo 2019-Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa isna soo dhisay golihiisa wasiirada waxaa wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada loo igmaday Cali Dhuux Maxamed oo ka mid ah qurbajoogta dalka dib ugu soo laabtay sanadihii lasoo dhaafay wuxuuna wasaarada kala wareegay Cabdullahi Cumar Fanax oo horay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada K.Galbeed.

Sequence-02.00_02_11_11.Still005-300x225

Koonfu Galbeed waxaa ku yaalo garoomo badan oo u baahan in lagu sameeyo dib u dhis Wasiir Cali Dhuux waxaan ka sugaynaa in uu la yimaado qorshayaal lagu horomarinayo isboortiga deegaanka”waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Macalin Daa’uud Axmed oo horay usoo ciyaaray kubbadda kolayga.

52967823_407797693311597_140399267841205

10-Febraayo 2019-Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isna soo dhisay golihiisa wasiriada waxaana wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada loo magacabay Jaamac Faarax Muuse Xiriirka kubbadda cagta iyo bahda isboortiga Puntland ayaa sheegay in wasiirkooda cusub ay ka sugayaan horomarinta iyo kor u qaadida ciyaaraha Puntland.

52415876_1011237409077331_74641418360014

“Puntland waxa ay ka mid tahay marka loo eego ka qeyb galka tartamadda kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir koox ugu adag labadii sano ugu horeesay mid iyaga ayaa hantay kan kalane waxa ay galeyn kaalinta 2-aad maamulka cusub waxaan kula tali lahaa in ay xooga saaraan dhiiri gelinta iyo garab istaagida bahda isboortiga”waxaa Goobjoog u sheegay Cumar Axmed oo ah falanqeeye ciyaaraha.

IMG_0407-816x544-300x200.jpg

Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Wasiirada Cusub Ee Maamul-Goboleedyada Dalka

W/D-axamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this