Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin ganacsade ahaa oo lagu dilay M/ Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta Qof rayid ahaa loogu geystay suuqa degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Afar Irdood, iyadoona la sheegay in loo geystay nin ganacsade ahaa.

Marxuumka la dilay ayaa dhar ku iibinayay suuqa Xamar Weyne, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani uu ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Raggii ka dambeeyay dilkani oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay laamaha amniga dowladda Soomaaliya ka bixiyeen dilkaasi.

Balse waxa ay dhacdadan qeyb ka noqoneysaa dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this