Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil 10 jir ah oo ka badbaaday isku day dil ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Dhame C/nuur Carab oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska Baladweyne ayaa ka warbixiyay isku day dil ah oo la doonayay in lagu khaarijiyo wiil 10 jir ah oo ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

Sarkaalkan ayaa sheegay in falkaasi uu ka dhacay xaafadda Howlwadaag degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaana uu tilmaamay in ay ka war heleen dhaawac halis ah oo wilkaasi ka soo gaaray isku day la doonayay in qoorta looga gooyo.

Sidoo kale taliye Carab ayaa intaasi ku daray in shaqsigii ka dambeeyay dhacdadaasi uu goobta ka baxsaday, balse ay ku raadjoogaan.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli saacadihii la soo dhaafay dhacdooyin dilal ah ay ka dhaceen xaafadda Howlwadaag ee galbeedka magaaladaasi Baladweyne.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this