Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Oo ka hadashay dadkii lagu dilay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – General C/laahi Xasan Bariise taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha Booliska Soomaaliya oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa ka hadlay falkii shalay lagu laayay dad ka shaqeynayay olole nadaafadeed oo lagu dilay inta u dhexeysa Ceelasha Biyaha iyo Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.

Generaal Bariise ayaa sheegay in dadkaasi oo gaarayay illaa 9 ruux ay u shaqeynayeen mid ka mid ah hay’adaha ka howlgala dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, islamarkaana ay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Shalay ayey aheyd markii rag hubeysan oo watay gaari ay toogasho ku dileen dadkaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this