Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Tareedisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya duhurnimadii maanta lagula eegtay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Tareedisho.

Ugu yaraan illaa 4 Qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, kuwaas oo isugu jiray sarkaal ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Indho-Ceel, labo askari oo ilaalo u aheyd iyo qof shacab ah, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya, balse dhacdadan ayaa ka mid noqoneysa falal amni darro oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this