Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ballan qaaday dhamaystirka Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay, guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa, isbarsho guud oo dhex martay madaxweynaha iyo guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dar-dargelinta dhismaha wadada, xog guud oo la xidhiidha habsami u socodka iyo dhismaha jidkaasi laamiga ah.

Sheikh Maxmuud Xaaji Yuusuf, guddoomiyaha guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa ka warbixiyay muhiimadda uu ku saabsanaa kulanka maanta dhexmaray madaxweyne Deni iyo guddiga uu hoggaaminayo Sheikh Maxamuud.

Waxa uu ku saabsanaa guud ahaan is xog wareysi, guddigu in uu fursad u helo oo ay madaxweynaha uga waramaan wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo sida ay marka hore ku bilaabatay, hada meesha ay marayso shaqadeedu sida ay u socoto, muuhiimmadda koowaad ee maanta laga lahaa waa sidaas, guddigu waxa ay madaxweynaha uga warameen wadada shaqadeedu sida ay u socoto, dhaqaalaha wadada soo galay iyo Meesha ay wax marayaan ayey ka warameen’’ ayuu yiri Sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo isna la hadlay guddiga, ayaa kulanka ka ballan qaaday, in uu dhamaystiri doono wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo iyo dhammaan mashaariicda wadanka hurumarkiisa ah.

FB_IMG_1551182409345.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551182414557.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551182419700.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ballan qaaday dhamaystirka Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this