Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Siiriya Bashar Al Assad Oo Booqasho Ku Tagay Dalka Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Madaxweynaha Siiriya Bashar Al Assad ayaa markii ugu horeysay in muddo ah safar aan horey loo shaacin ku tagay dalka ay xulafada yihiin ee Iran.

iran-syria-bashar-booqasho2.jpg

Bashar Al Assad ayaa la kulmay hogaamiyayaasha sare ee dowlada Iran oo uu kamid yahay Madaxweynaha Iran Xasan Rowxani.

Dowlada Iran ayaa taageero militari siisay Bashar Al Assad, Iran iyo Ruushka ayaa ahaa awoodaha militari ee badbaadiyey xukuumada Assad.

Militariga Iran ayaa hada saldhigyo ka sameysay gudaha dalka Siiriya oo xaduud la wadaaga Israel, arrintaasi oo Israel sheegtay inay tahay abaabul duulaan Iran dooneyso inay dhankooda kusoo qaado.

Lama faah faahin waxa ay ka wada hadleen madaxda Iran iyo Bashar Al Assad hase yeeshee waxaa la filayaa in labada dhinac ka wadahadleen abaabulka xiligan ay wadaan Maraykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Wadanka Iran.

Booqashada Bashar Al Assad ayaa sidoo kale kusoo beegantay xili uu si kadis ah u shaaciyey inuu xilka iska casilay Wasiirka Arrimaha dibada ee Javad Zarif.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this