Deeq A. Posted February 26, 2019 (SLT-Vietnam)-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka dagay dalka Vietnam, isaga oo ka qayb galaya shir uu la leeyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. FILE PHOTO: U.S. President Donald Trump and North Korean leader Kim Jong Un walk after lunch at the Capella Hotel on Sentosa island in Singapore June 12, 2018. REUTERS/Jonathan Ernst/File Photo Shirkan labaad ee ay yeelanayaan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa dabo socda wareeggii koobaad ee taariikhiga ahaa ee sannadkii hore ka dhacay dalka Singapore. Tareenka cagaarka iyo jaalaha ka kooban ee waday Kim ayaa tagay Dong Dang, safarkii uu kaga sii aaday Hanoi wuxuu u raacay gaari. Kooxda baambayda iyo dad calamo wadhfinayo oo hareero taagan roog cas oo la goglay ayaa soo dhaweeyay. Laamaha ammaanka, masuuliyiin iyo sawir qaadeyaal ayaa dhoobnaa marka uu tareenka ka soo dagayay Kim, ka dibna gaadhi sugayay ayaa loo sii galbiyay. Kim ayaa daaqadda hoos u dajiyay muddo kooban ayuuna gacanta u luxay dadkii. Ilaalada uu caanka ku yahay ee dharka madaw ayaa ku sii sugaysay boosteejada tareenka, gaarigiisa ayaana baxay ka dib markii ay muddo kooban garab ordayeen. Waxaa loo malaynayaa in ay la socdaan walaashii Kim Yo-jong iyo Kim Yong-chol oo ah janeraal hore oo ka mid ah dadka ugu muhiimsan arrimaha wada xaajoodka. Source Share this post Link to post Share on other sites