Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Dagaalka Hindiya Oo Duqeyn Ka Geystay Gudaha Dalka Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hindiya)-Diyaaradaha dagaalka ee India ayaa subaxnimadii Salaasada markii ugu horeysay duqeyn ka geystay gudaha dalka Pakistan.

india-pakistan-duqeyn-740x453.jpg

Duqeynta ayaa ka dhacday meel u dhaw xaduuda Kashmir ee dhinaca Pakistan, waxayna dowlada India sheegtay in weerarkan lala beegsaday xarun lagu tababaro kooxda Jaysh Maxamed oo maalmihii lasoo dhaafay dagaal kula jiray militariga India ee ku sugan Kashmir.

Kooxda Jaysh Maxamed ayaa ka danbeeyey weerarkii 14kii Feberaayo ka dhacay Kashmir ee lagu dilay 42 askari oo ka tirsan ciidamada India. India ayaa sheegatay inay duqeyntan ku dishay xubno kamid ah kooxda Jaysh Maxamed.

Dowlada India ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegaysay inay qaadi doonto tilaabo militari iyadoo ku eedeenaysay Pakistan inay soo hubeyso kooxaha ka dagaalamaya Kashmir.

Jawaabta Pakistan

War kasoo baxay dowlada Pakistan ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ka hortageen diyaaradaha India ee hawadooda soo galay isla markaana ku khasbay diyaaradaha India inay dib ugu noqdaan dalkooda.

Pakistan ayaa sheegtay in diyaaradaha India ay bambaano ku tuureen goob lama degaan ah ee buuraleyda labada dal u dhaxeysa, isla markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo halkaasi ka dhashay, waxaana la shaaciyey sawiro laga soo qaaday goobta oo uu muujineysa in duqeynta India ka dhacday goob banaan.

Xukuumada Islamabad ayaa sheegtay in falkan dowlada India ay dooneyso inay ka dhigato dacaayad ay doorashada ku galaan isla markaana shacabkooda ku qanciyaan inay ka jawaabeen dilkii 42dii askari ee todobaadkii hore looga dilay Kashmir.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this