Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynihii KULMIYE Uga Socday Boorama Oo Lagu Doortay Hoggaan Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE uga socday magaalada Boorama ayaa waxa uu galay maalintiisii labaad, waxaana shir guddoomiyanayay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Shirka ayaa waxa lagu ansixiyay 260 xubnood oo ka kooban yahay golaha dhexe ee xisbiga kuwaas oo doortay guddoomiyaha golaha dhex iyo ku-xigeenkiisa.

Qaabka ay u dhacday codaynto guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE:

Xildhibaan Maxamuud Jaamac  waxa uu helay 257 cod.

Shariif Abokor Maxamed waxa uu helay 13 cod.

Qaabka ay u dhacday codaynto guddoomiyaha ku-xigeenka golaha dhexe ee KULMIYE:

Cabdi Siciid Faahiye waxa uu helay 21 cod

Nasra Maxamed Cabdi waxa ay heshay 44 cod

Cali Maxamed Cali waxa uu helay 200 oo cod.

Shirka waxa guddoomiye golaha dhexe loogu doortay Xildhibaan Maxamuud Jaamac  , halka guddoomiye ku-xigeena loogu doortay Cali Maxamed Caliyow.

52871858_10205962496938571_1149427033315

Shirkan oo shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu u muuqday mid hore loogu soo kala baxay oo la soo calaamadiyay cidda noqonaysa hoggaanka golaha dhex.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Xamse Maxamed Iiman

Hamzeiiman123@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this