Sign in to follow this  
Deeq A.

MUQDISHO: Kooxo Hubeysan Oo Ganacsade Ku Dilay Suuqa Xamar Weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan ayaa goor dhow dil u geystay nin dhalinyaro ah oo ku ganacsanayay Suuqa Xamar weyne.

Bastoolo-696x464.jpg

Wararka ayaa sheegaya in labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen ninka dhalinyarada ahaa oo ku ganacsanayay halka loo yaqaano Afar Irdooka Xamar weyne.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in raggii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta, iyadoo markii dambe ay goobta gaadheen ciidammada amniga.

Dilkan ayaa ka mid ah dilal qorsheysan oo muddooyinkii u dambeeyay ku soo kordhayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this