Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyay In Abwaan Cabdiraxmaan Abees Uu Xorriyadiisa Dib U Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu soo dhaweeyay sii daynta Abwaan Cabdiraxmaan Abees, oo Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex maalintii shalay xorriyadiisa u soo celisay kadib markii ay danbi ku wayday.

muuse.jpg

Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu sheegay in taasi tusaale u tahay madax-bannaanida Garsoorka Somaliland, waxaanu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta garsoorka Somaliland ay sii daysay wiil yar oo dhallinyarro ah oo gabay tiriyay oo xukuumadda ammaanay oo booliska ammaanay inay yidhaahdeen idinka ayuunbaa baqdaye inanku wax weyn muu gaysan ee waa xor, waanu qaadanaynaa garsoorku waxa uu yidhi, garsoorka waanu aaminaynaa waxa ay noo bixiyeen, haddii isaga laga xukumi lahaa waxa uu odhan lahaa waa lay xaqiray ee waxa aan qaadanayaa ambiil, waxaanu leenahay annagu waanu ku kalsoonahay, qofka ma xidhno haddii aanu aragno dadka xeerka ilaaliyaa arkaa in uu qaldamay waa la qabtaa oo waa eedaysane maxkamadda ayaa noo kala gar goysa..” ayuu yidh Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Halkan hoose ka daawo

https://www.youtube.com/watch?v=BUfYMgtJXq0&t=152s

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this