Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo askari ku dilay M/ Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa  sheegaya in saacadihii la soo dhaafay askari ka tirsanaa ciidanka maamulka HirShabelle lagu dilay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in toogasho ay ku dileen askarigaasi, xilli uu ku sugnaa xaafadda howlwadaag ee magaaladaasi.

Sidoo kale rasaasta ay fureen raggaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen illaa 2 Qof oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dableydii ka dambeysay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kana sameeyay baaritaano kooban.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this