Deeq A. Posted February 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen taliye ku xigeenka cusub ee AMSOM Nakibus Lakara iyo taliye ku xigeenkii hore Tai Gituai ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Taliye Lakara oo kasoo jeeda dalka Uganda ayaa markii labaad qabanaya xilkan, isagoo horay ugu soo shaqeeyay sanadihii 2015 iyo 2016. Musaabadda xil wareejinta ugu horreyn waxaa ka hadlay taliyaha xilka wareejinayay oo ka hadlay hormarada iyo caqabadaha haatan uu wajahayo howlgalka AMISOM ee Soomaliya . Dhankiisa taliyaha cusub oo xilka la wareegay ayaa mahadceliyay taliye Tai Gituai, waxaana uu ballan qaaday in halkiisa uu ka sii wadi doono shaqada. AMISOM ayaa waxaa haatan horyaalla qaraarka QM ee ka bixitaanka Soomaaliya sanada 2021-ka, iyadoona DFS ay isku diyaarineyso la wareegitaanka amniga dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites