Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab ka kacay Buurtinle oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20190226_102105_829-1.jpg?w=1000&sslDabkii oo la bakhtiiyay

Wararka ka imaanaya degmada Buurtinle koonfurta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in hal ruux ku dhintay mid kalena ku dhaaawacmay dab saaka qabsatay kaalin shidaal oo ku taalla degmadaasi.

Qofka dhintay oo nin ahaa ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cabdiweli Diiriye waxaana dhaawac culus soo gaaray aabbihiisa oo lagu magacaabo Cabdiweli Diiriye sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Dadka magaalada oo adeegsanaya booyado biyaa ayaa markii dambe bakhtiiyay dabkii kaalinta qabsaday inkastoo sida la sheegay ay wakhti badan ku qaadatay.

Qaar kamid ah dadkii u gurmaday kaalinta Shidaal ee gubatay ayaa sheegayaa in dab-damis la’aan ka jirta degmada Buurtinle awgeed ay wakhti badan ku qaadatay in la bakhtiiyo dabka.

PUNTLAND POST

The post Dab ka kacay Buurtinle oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this